Nin u dhashay dalka Pakistan ayaa ku dhaqaaqay fal la yaab leh ka geystay mid ka mida wadooyinka magaalada barakeysan ee Maka Almukarama ayaa la qabtay markii si awood ah ay ciidamada magaalada u farageliyeen.
Ninkan ayaa soo qaatay Cagaf weyn isagoo ku dardaray baabuur wadadda taalay iyo wixii ka hor yimid oo dhan, waxaana uu burburiyey in ka badan 23 Gaari ka hor intii aan si awood ah Cagafta loogu dhex gelin oo la xirin.
Booliska magaalada Maka ayaa sheegay inuu ninka u dhashay dalka Pakistan uu soo xaday Cagafta, isla markaana uu si waali ah u jiirsiiyey baabuur, Guri iyo Baalleyaasha wadooyinka, waxaana loo diyaarinayaa in maxkamad lasoo taago.