Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka Turkiga u qaaday saddex qof oo ka mida  qoysaskii ay waxyeelada kasoo gaartay hoobiyayaal lagu garaacay magaalada Muqdisho intii ay socotay xafladdii caleema-saarka madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Dhaawacyada maanta loo qaaday Turkiga waxay ahaayeen caruur ku waxyeeloobay Hoobiyayaashii Al-shabaab ay ku rideen degmada Wadajir oo ku habsaday dad shacab ah.
Dhaawacyo fara badan oo ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Suuqa Kaaw-Godey ayaa weli ku jira isbitaalada oo aan weli loo helin gargaar caafimaad oo dibadda ah.
DAAWO SAWIRRO