Markab deeq gargaar ah sida oo loogu talo galay dadka abaartu ku dhufatay ee Soomaaliya ayaa maanta ka shiraacda dalka Imaaraadka Carabta isagoo ku soo jeeda Soomaaliya.
Markabkan ayaa sida 4259 tan oo isugu jir raashin iyo Dhar lagu qiimeeyay lacag ka badan 10 Milyan oo Dirham, isagoo ku sii jeeda magaalada Berbera ee Somaliland, sida ay shaaciyay wakaalada wararka Imaaraadka.
Deeqdan ayaa qeyb ka ah gargaarka Imaaraadka Carabta u fidiyay Soomaaliya oo xilligan ku jirta abaartii ugu xumeyd muddo sanado ah, waxaana isku soo duba riday Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo dhowaan dalkaasi ka ururiyay lacag dhan 165 Milyan oo Doolar.
Markabka deeqda sid ayaa magaalada Berbera gaari doona horaanta Bisha May, waxaana uu qeyb weyn ka qaadan doonaa taageerada dadka tabaaleysan ee degaaanada Somaliland.
SAWIRRO