Dowladda Faransiiska ayaa safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya, kaasoo maanta waraaqihiisa aqoonsi uu ka guddoomiyay madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xaflad ka dhacday madxtooyada waraaqaha Aqoonsiga uga guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya Mudane Antoine Sivan.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo Arrimaha iskaadhiga ee ka dhaxaaya Dowladda Federaalka Somaaliya in dowladda Faransiiska.
Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in looga baahnayahay wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya in ay dowladda kala shaqeeyaan qorshayaasha horyaala ay ka mid tahay xal u helista deymaha lagu leeyahay dalka iyo dhisidda ciidan Qaran.
Danjire Antoine Sivan ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macronoo ku saabsan sida ay u garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.