Friday, April 18, 2025

SAWIRRO: Ciidamada Itoobiya oo la geeyay Wadooyinka Baydhaba & Wararkii ug danbeeyay

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Baydhaba ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya lagu fasaxay magaalada, iyadoo hubka waaweyn la tegay wadooyinka magaaladaasi.

Ciidamada Itoobiya oo wata Gaadiidka dagaalka sida Taangiyada ayaa lagu arkay wadooyina magaalada  si u sugaan amniga oo faraha ka baxaya magaaladaasi, markii ay sii kordheen bannaanbaxyada ay dhigayaan taageerayaasha Mukhtar Roobow oo shalay la xiray.

Taageerayaasha hubeysan ee Roobow iyo shacab fara badan ayaa xirtay wadooyinka Baydhaba iyadoo dalbanaya in la sii daayo oo xoriyaddiisa loo celiyo Sheekh Mukhtaar Roobow.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay inay maqribnimadii ay ciidamada Itoobiya dib ugu laabteen xerooyinkooda, iyadoo dadweyne ay ku qeylinayaan, kuwaasoo ku dhawaaqayey taageerada Sheekh Mukhtaar Roobow.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON