Saturday, April 19, 2025

SAWIRRO: Ciidamada Dowlada oo rasaas ku furay Gaari Ambulance ah oo Meyd siday & dhimasho kale oo…

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho maanta, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ee fadhigoodu yahay agagaarka Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho ayaa rasaas ku fureen Gaari gargaraaka degdegga (Ambulance) ah oo siday qof meyd ah.

Meydka gaariga saarnaa ayaa magaciisa lagu sheegay Marxuum Dhaqane Muxumed Aaden, waxaana la socday dad ehel u ah oo doonayey inay aaskiisa ka qeyb galyaan. Sida wararku sheegayaan ciidamada ayaa rasaas ku furay gaariga, iyadoo dhaawacmay dad dhowr ah, kuwaasooloola  cararay isbitaallada.

Axmednuur Xasan Xuseen oo ka mid ahaa dadkii rasaasta ku dhawacmay ayaa la dhigay Isbitaalka Erdogan(Ex Digfeer), waxaana la sheegay inuu daqiiqo kadib halkaasi ugu dhintay dhaawicii soo gaaray.

Ad

Wararka ayaa sheegay in rasaasta uu furay askari ka tirsan ciidamada Ciidamada dowladda ee ku sugan agagaarka Warshadii taraqa & Sigaarka iyo Isgoyska IVECO ay ka danbeysay muran soo dhex galay darawalka oo ah ninka dhawaca u dhintay iyo askariga.

SAWIRRO

 

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON