SAWIRRO: Bandhigga Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal oo loo diyaariyay Amniga Muqdisho [Ra’iisal Wasaaraha oo ka qeyb galay]

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale booqday xalay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay ciidamo iyo gadiid dagaal loo loogu talogalay sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisal wasaaraha waxaa ku wehliyey kormeekia Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka,  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Masuuliyiin kale, waxaana la soo badhigay in ka badan 20 gaadiidka ciidamada ah iyo ciidamo dareysa gaara loo sameeyay oo la sheegay in loo diyaariyey amniga caasimadda bisha Ramadaan.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa Xarunta Booliska waxay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyaggoo Ciidanka ammaanka faray in ay Gacan Bir ah  ku qabtaan  nabad gelyada guud ee Gobolka Banaadir  ayna u naxariistaan Dadka Shacabka ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad celiyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida ee ka qayb qaadanaya sugiidda amniga Caasimadda Dalka, wuxuuna faray inay muujiyaan dhabar adayg iyo feejignaan dheeri ah maaddaama la guda galaya Bisha barakaysan ee Ramadaan.