Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqday ciidamada Soomaalida ee lagu tababaray dalka Eritrea, iyadoo lasoo bandhigay muuqaaaladi ugu horeeyay ee ciidamadaasi.
Ciidamadan oo 3 sano tababar ah qaatay ayaa soo bandhigay dhoolatus, iyadoo salaan sharaf siiyey labada madaxweyne, waxaana ka muuqday inay yihiin ciidamo si fiican u tabbaran oo la diyaariyey.
Tirada ciidamada Soomaalida ee lagu tababaray dalka Eritrea ayaa tiradooda lagu sheegay 5000 askari, waxaana arrintooda ay ahayd qarsoodi ay maamushay Hay’adda NISA.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad u jeediyey askartaasi, wuxuun bogaadiyey kaalinta dalka Eritrea ka qaatay diyaarintooda iyo tababarkooda.
Madaxweynaha oo ay wehlinayaan Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa maanta kormeeray mashaariic horumarineed oo kala duwan oo laga hirgeliyay Gobolka Koonfurta oo ay ka mid yihiin Logo & Mislam Biyo-xireennada, Mashaariicda Beeraha, Sharaadaha Tamarta Cadceedda, Beeraha Caanaha iyo Warshad lagu farsameeyo caanaha iyo caanaha
