Sunday, May 25, 2025

Sarkaalkii ugu Sareeyey Alshabaab ee Gobolka Mudug oo isu dhiibay Dowlada

Sarkaalkii ugu sareeyay Alshabaab ee u qaabilsabaa gobolka Mudug, kana soo jeeda Koonfurta Gaalkacyo ayaa maanta isu dhiibay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Nuur Cabullaahi Maxamed (Maalin Guur) oo loo yaqaan Nuur Deeq ayaa isu dhiibay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee ku sugan aagga Wisil gobolka Mudug, isagoo ka mid ahaa horjoogayaasha waaweyn ee Alshabaab.

Nuur Cabullaahi Maalinguur ayaa ahaa Madaxda Qaraxayda iyo dilalka qorsheysan ee Alshabaab, waxaana isla soo sawiray Wasiirka Arrimaah Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo sheegay inuu ahaa hogaamiyihii dagaaladii ugu cuslaa ay ka geysteen Khawaarijtu gobolkan.

Ad

“Waxaa intaas dheeraa inuu ganacsatada, odoyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan gobolka Mudug uu ahaa ninka u qaabilsan soo wicitaankooda, u hanjabidoodda iyo mararka qaarna wuxuu dadka ugu yeeri jirey Xarardheere”. ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON