Taliye ku-xigeenkii Ciidamada Somaliland Jeneraal Suleymaan Barre Geesood ayaa ka goostay Maamulka Somailand, isagoo ku biiray ciidamada degaanka ee beeshiisa oo dagaalka kula jira Somaliland.
Jen. Suleyman Barre Geesood iyo ciidamo uu wato waxaa lagu soo dhoweeyay Magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood, iyadoo ay dadkii soo dhoweeyay ka mid ahaayeen Saraakiisha Jabhadda SSC, odayaal iyo bulshada degaanka.
Ku-xigeenkii Taliyaha Milliteriga Somaliland ayaa sheegay inay ku biiri doonaan, isaga iyo Ciidamada uu wato dagaalka looga soo horjeedo Somaliland ee ka socda magaalada Laascaanood, wuxuuna caddeeyay inuu ka goostay Somaliland markii uu u adkeysan waayey dhibaatooyin Muuse Biixi ku hayo shacabka SSC, sida uu yiri.
Wuxuu Laascaanood ka sheegay in la kala soocmay oo isagu dadkiisa u yimid, wixii talo ahna ku biirin doono, isla markaana uu la fikir noqday.
Jeneraalkan waa sarkaalkii ugu sareeyey ee ka goostay Ciidamada Somaliland tan iyo markii uu qarxay dagaalka Laascaanood, taasoo ka dhigan dhabarjab weyn oo lasoo dersay maamulka Somaliland.