Friday, May 23, 2025

Sarkaal u shaqeeya Hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Koox hubaysan ayaa xalay fiidkii magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug toogasho ku dishay wakiilkii dhinaca amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Khayre (Fiimto).

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masjid uu saaladda Taraawiixda kusoo tukaday, waxayna dadka goobjoogga ahaa sheegeen in labo oo dhalinyaro ah oo ku hubaysan bistoolado ay ka toogteen madaxa, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Laamaha aniga Iyo masuuliyiinta maamulka Gobalka iyo Degmada Galkacyo ee Galmudug ayaan weli ka hadlin dilka sarkaalka, iyadoo aan la aqoonsan dableyda ka dambeysay dilka sarkaalka, waxaase la sheegay inay goobta dilka ka dhaca ay tageen ciidamda amniga ee ka taliya koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Ad

Waa dilkii labaad ee magaalada Gaalkacyo ka dhaca inta lagu guda jiro bisha Ramadaan waxaana dilkii hore loogaysay Taliyihii Howlgaladda Ciidanka Xasilinta Gobalka mudug kaasi oo isagana la toogtay xilli uu ka soobaxay masjid uu Taraawiix kusoo tukaday, hase ahaatee Laamaha amniga oo howlgallo bilaabay ayaa tiro dad ah u qab-qabtay dilkaasi kuwaas oo aan wali warbaahinta loo soo ban dhigin

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON