Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamo ka wada tirsan askarta dowladda Soomaaliya xalay ku dhex maray Degaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.
Dagaalka oo wararku sheegayaan inn si kedis ah uga dhex qarxay labada ciidanoo midkood ka baxay magaalada Muqdisho oo ku sii jeeday furimaha dagaalka ee xuduudka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud iyo Ciidamo kale oo difaac uga jiray agagaarka Masaajid Cali Gaduud.
Dagaalka oo la sheegay inuu socday muddo dhow saacad ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhex maray ciidamada dowlada dhexdooda, waxaana la xaqiijiyay in lagu dilay Kabtan Maxamed Axmed Abshir oo ahaa taliyihii ururka 2-aad Guutada Khaalid Bin Waliid.
Sarkaalka la dilay ayaa hoggaaminayay ciidamada ka baxay xerada Maslax ee magaalada Muqdisho, waxaana jira qasaare xoog leh oo labada dhinac kala gaaray oo dhinac waliba kan kale u qaatay inuu yahay Alshabaab.
Isku dhaca heerkaas gaaray ee dhex maray ciidamada ka wada tirsan Askarta dowladda ee Xoogga Dalka ayaa caddeyn u ah, xiriir la’aanta iyo Qorshe xumida ka taagan taliska ciidamada ee uu hadda hoggaamiyo Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.
Taliska ciidamada Xoogga dalka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa weli ka hadlin dagaalka ka dhacay Masaajid Cali Gaduud.