Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox dabley ah ay toogasho ku dishay sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
Dilka ayaa ka dhacay Suuq-yaraha Isgoyska Banaadir, waxaana Kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen sarkaalkan oo ku jiray Gaari uu watay, xilli uu iibsanayey khudaar, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.
Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdullaahi Garasey (Sheekh Cajaa’ib) ayaa u geeriyooday rasaastii lagu furay, waxaana goobta ka baxsaday dableydii falka dilka ah geysatay.
Dadka goobta ku sugnaa ayaa laga soo xigtay in dableyda dilka geysatay ay sarkaalka ka qaateen Bistoolad iyo Computer Laptob ah oo uu watay.
Dilalka khaarijinta ah iyo qaraxyada Muqdisho ayaa waxaa sheegta Alshabaab, waxaana muddooyinkan dambe sare u kacay falalka dilalka ah.
