Saturday, March 15, 2025

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo Qarax lagu dilay & Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegaya in Qarax lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka xilli uu ku socdaalayey duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka ayaa ka dhacay degaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho, iyadoo lagu beegsaday Gaari uu la socday sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobiyey Indha-ceel, wuxuuna qaraxu sababay inay geeriyoodaan sarkaalka iyo 3 askari oo la socotay.

Wararka ayaa sheegay in qof shacab ah uu sidoo kale qaraxa ku dhintay. Wuxuuna qaraxu dhacay xilli ay ku soo jeedeen magaalada Muqdisho, iyadoo ka yimid Gobolka Sh/Hoose.

Ad

Hay’adaha amniga ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa iyo qasaaraha ka dhashay, waxaana si weyn u kordhay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Alshabaab ka wado Muqdisho iyo degaanada ku dhow.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON