Wararka laga helayo magaalada Marko ee Gobolka Sh/oose ayaa sheegaya in Qarax loogu xiray Gaarigiisa sarkaal sare oo ka tirsan Ha’adda NISA.
Qaraxa oo ahaa nooca Miinada Dhejiska ayaa xalay qabsaday gaari uu watay Xasan Cusmaan Cali Biitooni (Taliye Kush-gale) oo ka tirsanaa saraakiisha caanka ee Hay’adda NISA uga howlgala magaalada Marko.
Sarkaalkan ayaa qaraxa ku dhintay, waxaana la sheegay inuu la dhashay gudoomiyihii hore ee degmada Marko Maxamed Cusmaan Cali oo sidoo kale ay Alshabaab ku dishay Qarax is-miidaamin ah.
Qaraxa lagu khaarijiyey Taliye Khu-gale ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay saddax Askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa, wuuxuuna qaraxa dhacay xilli marayey xaafadda Horseed uu ku socday degaanka Buufow.
Sarkaalkan oo degaanka kasoo jeeda ayaa qaabilsanaa amniga degaanada Sh/Hoose, sida Jannaale, Ceel-wareegow ilaa Magaalada Marko, waxaana mas’uuliyadda Qaraxa sheegtay Alshabaab oo dagaal adag uu kula jirtay sarkaalka, kuna eedeysay inuu laayey dad badan.