Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dabley hubeysan ay Galabta toogasho ku dileen saakaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay Xaafadda Waxarcadde, gaar ahaan isgoyska Shaaciyee ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana sarkaalkan lagu magacaabi jiray Xasan Cartan Siyaad isagoo la shaqeyn jiray maamulka degmada Heliwaa sida ay sheegeen dadka degaanka.
Wararka aya sheegaya in sarkaalkan uu watay gaari yar oo nooca raaxada ah, kadib markii ay koox hubeysan jidka u gashay iyagoo rasaas xoog leh ku furay, kana qaatay qori uu watay, waxayna ka baxsadeen goobta.
Dilalka qorsheysan ee lagu khaarijiyo saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa caadi ka noqday magaalada Muqdisho, iyadoo ay inta badan ay sheegtaan kooxda Alshabaab.