Qarax ayaa maanta lala beegsaday Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Abdulle oo ah Taliyaha Booliska qaabilan ilaalada Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Muhiimka ah ee VIP.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari Ciidanka Booliska oo Sarkaalka ilaalo u ahaa, waxaana ka badbaaday sarkaal Maxamed Daahir, kadib Qarax Miino oo lagula eegtay wadada Kuliyada Jaalle Siyaasad ee Degmada Hodan, waxaana qaraxa ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Waxaa la xaqiijiyey in Qaraxa uu ku dhintay askari ka mid ahaa ilaalada Taliyaha iyo qof shacab ah oo goobta ku sugnaa, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray labo askari oo kale iyaguna ilaalo u ahaa Taliyaha.
Sarkaal Maxamed Daahir oo marar badan qaraxyo lala beegsaday, ayaa mar lagu eedeeyay inuu la shaqeeyay Alshabaab, haddana waa sarkaalka ugu badan ee la kulma qaraxyada Alshabaab ee lagu doonayo in lagu khaarijiyo.