Sunday, May 25, 2025

Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee Baardheere

Sarkaal ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa shalay isku dhiibay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmadaasi oo dhowaan lagala wareegay kooxa Alshabaab.
shabab
Sarkaalka Al-shabaab ee is dhiibay ayaa lagu magacaabaa Ciise Cabdi Xirsi (Ilkacase), wuxuuna ahaa madaxa Zakooyinka (Zekawaadka)  Al Shabaab ee degaankaasi, isagoo xiriir la soo sameeyay  ciidamada dowladda Federaalka.
Sarkaalkan oo gobolka laga yaqaan ayaa la sheegay  markii uu isa soo dhiibayey inuu watay qori AK47 iyo, waxaana mrkii danbe lagu wareejiyay ciidamada Booliska ee loo sameeyay Baardheere.
Saraakiisha iyo ciidamada Alshabaab ee is dhiibaya ayaa aad u yar marka loo eego howgalladda waaweyn ee lagu qaaday kana socda goboladda Koonfurta oo dhan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON