Thursday, November 7, 2024

Saraakiil Turki ah oo Muqdisho u yimid Fulinta Heshiiskii Difaaca & Dhaqaalaha Somaliya

Saraakiil Sare oo ka socda dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho u yimid fulinta heshiisyadii Milateri iyo Dhaqaale ee ay dhowaan kala saxiixdeen dowladaha Somaliya iyo Turkiye.

Sarakiishan ayaa maanta lagu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Muqdisho oo ah Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna halkaas kula kulmeenWasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Saraakiisha Turkiga ayaa ka kala socday Talisyada Ciidamada Badda, Dhulka iyo mas’uuliyiin ka socota Wasaarada difaaca dalkaasi; waxaana ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay inuu qayb ka yahay dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo heshiiskii dhowaan ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Ad

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Badda ee XDS Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen. Dayax Cabdi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON