Saraakiil ka socota cidamada isku-dhafka ah ee Maraykanka uga howlgala ee Geeska Afrika (CJTF-HOA) ayaa shalay socdaal ku tegay magaalada Dekadda ah ee Berbera, maamulka Somaliland.
Socdaalkan ayaa lagu sheegay inuu ku saabsanaa bilowga tababarrada iyo leyliska milatari ee Caalamiga ah ee Maraykanku hogaaminayo ee loo qorsheeyay inay Bisha Febraayo 2023 ka bilowdaan halkaasi, iyadoo ciidamada Somaliland uu Mareykanku u bilaabayo leyli milateri.
Tallaabada Mareykanka aya loogu talagalay in lagu kordhiyo iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada xasaradaha iyo hawlgallada ka hortagga argagixisada iyo in la diyaariyo ciidamada gobolka ee hawlgallaya Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Marka laga soo tago dekedda Berbera leyloga iyo dhoolatuska milateri ee Mareykanku la sameynayo ciidamada Afrika ayaa ka dhici doona dalalka Botswana, Djibouti, Kenya, Rwanda, iyo Uganda oo ay ka qayb galayaan 20 wadan oo saaxiibo ah oo ay Soomaaliya ku jirto.