Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya xubno ka tirsan Alshabaab lagu dilay howlgal ka dhacay degaan hoos taga degmada dhowaan laga qabsaday Alshabaab ee Aadan Yabaal.
War kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada degaanka ayaa howlgal qorsheeysan ku dilay 14 xubnood oo isugu jiray Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta Al-shabaab.
Xubnahan ayaa la sheegay inay ku dhuumaaleeysanayeen degaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.
Warbaahinta dowladda ayaa baahiyey Muuqaallada meydad ilaa 4 xubnood oo la sheegay inay ahaayeen Alshabaabkii lagu laayey degaanka Dhabaq-iibey.
Ma jirto cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay qasaaraha howlgalkaasi ka dhashay iyo xaqiiqada waxyeelada labada dhinac kala gaaray.