Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar Alshabaab ku qaadeen Saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka degaanka Buulallow ee degmada Afgooye, kasoo qasaare badan dhaliyey.
Weerarka oo dhacay gelintii danbe ee shalay oo ku beegneyd 14-ka Oktoobar, waxaana maleeshiyo fara badan oo Alshabaab ka tirsan si gaadmo ah dhowr jiho uga weerarraan ciidankii halkaasi u sugnaa, iyagoo qasaare badan u geysay, gaadiidkii dagaalkana gubay intooda badan.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay ku dhowaad 15 Askari iyo dhaawac intaas ka badan; iyadoo la gubay ilaa 5 Gaadiidka dagaalka ah, askarta weerarkaasi ku dhintay waxaa ka mida Saraakiil lagu kala magacaabo Col. Cabdulle Cali Mire o heystay ciidanka iyo iyo Cabdi Maxamed Guutaale.
Dhaawacyada iyo askar ka badbaaday weerarkaasi ayaa la gaarsiiyay magaalada Muqdisho, waxaana wararka qaar sheegayaan inay qaar ka mida askarta ay nolol ku wateen maleeshiyadii Alshabaab.
War kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegatay inay weerarkaasi ku dileen 25 askari, ayna ku gubeen dhowr gaari, sidoo kalena ilaa saddex sarkaal ay ku dileen weararka. Ma jiro wax war ahoo kasoo baxay Taliska Milateriga ciidamada dowladda.

