Taliska ciidamada Booliska ayaa shaaciyey in saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed loo xiray kiisas musuqmaasuq ah.
Sida ay sheegeen saraakiisha Booliska waxaa xabsiga la dhigay 28 Xubnood saraakiil iyo askar isugu jira, kuwaasoo lagu soo eedeeyay falala musuqmaasuq ah oo ay ku kaceen, sida uu sheegay taliye ku xigeenka Hoggaanka dambi baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geeddi
Taliyaha ayaa sheegay inay xabsiga dhexe ku xiran yihiin 28-ka askari ee ka tirsan ciidamada Booliska, uuna si habsami leh u socdo ololaha ka hortagga musuqmaasuqa ee dowladda Federaalka ay wado.
Mas’uuliyiinta, saraakiisha iyo ciidamda u xiran musuqa ayaa sii kordhaya, inkastoo aan weli wax maxkamad ah la soo taagin dadka loo heysto musuqa, isla markaana aanu wax xukun ah ku dhicin.