Sunday, January 26, 2025

Saraakiil iyo ciidamado fara badan oo ku geeriyooday dagaalkii Ahlu suna ee Guriceel (Akhriso)

Qasaare xoog leh ayaa ka dhashay dagaalkii Guriceel ku dhex maray galabta ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka iyo Xoogagga Ahlu suna.

In ka badan 20 qof oo u badan saraakiil iyo ciidamo ayaa ku dhintay dagaalka galabta ee rogaal celinta ahaa oo ay qaadeen, iyadoo ay ku dhaawacmeen 45 kale, sida ay sheegeen saraakiil iyo goobjoogayaal ku sugan magaalda Guriceel.

Saraakiisha dagaalka ku dhintay waxaa ka mida taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow (Fayfle), waxaana sidoo kale dagaalka ku dhintay Taliyihii Ahlu suna ee Saldhigga Guriceel dhowaan u magacawday iyo xubno kale.

Ad

Xaaladda Guriceel ee caawa ayaa kacsan, waxaana dhinaca waqooyi ee magaalada gacanta ku haya ciidamada Ahlu sunn, iyadoo ciidamada Galmudug iyo milateriga dowladda Federaalka ay sida Haramcad iyo Gorgor ay ku usgan yihiin Koonfurta magaalada.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa cambaareeyay dagaalka, wuxuuna sheegay inuu ka xun yahay geerida Gaashaanle: C/ladiif Fayfle, isagoo ku tilmaamay Nin geesi ahaa, dulqaad badan isla markaana mabda’ ay ka ahayd la dagaalanka argagixisada.

“Waa ka xumahay in Taliye Odowaa uu amar dul dhigay Taliye Fayfle ah in uu kala doorto in ciidamada laga saaro ama uu dagaalka galo, waa ayaandarro weyn dagaalka hadda socda oo lagu laynayo saraakiishii waxgalka ahayd, waxaana muuqata in raggii Shabaab la diriray meesha laga saarayo, caawana Shabaab ay u dabaaldagayaan geerida taliyaha” ayuu Fiqi ku yiri farriin eedeyn iyo tacsi isugu jirtay.

Taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow (Fayfle) – waxaa lagu dilay dagaalka Guriceel
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON