Monday, February 17, 2025

Saraakiil Imaaraad ah oo lagu Dilay Saldhig ku yaalla Muqdisho iyo Xog cusub oo la helay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Rasaas ka dhacday Gudaha Xerada Milateriga Jeneraal Gordon ee ay maamulo Dowladda Imaaraadka Carabta.

Askari ka tirsan ciidamada ku jiray xerada ayaa rasaas ku furay saraakiisha Imaaraadka ee ku sugnaa xerada, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan qasaaraha weerarkaasi ka dhashay oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Ilaa 8 qof oo 4 Sarkaal oo Imaaraad ah ku jiraan ayaa la sheegay in lagu dhaawacay weerarka uu geystay askariga, waxaana jira warar sheegaya in ay dhinteen qaar ka mida saraakiisha Imaaraadka, waxaana la toogtay askarigii falkaasi fuliyay oo ka mid ahaa ciidamada Boolis Milataare lagu soo tababaray dalka Uganda.

Ad

Xogta la helay ayaa sheegsya in 5 Sarkaal lagu dilay Weerarka, halka 2 dhaawacyo culus soo gaareen. Sarkaalkii ugu sareeya ee Dowladda Imaaraadka u joogay Somaliya Col. Maxamed Mubaarak yaa la xaqiijiyay inuu u dhintay dhaawac halis ah soo gaaray.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in aad loo adkeeyay amniga caasimadda Muqdisho, isla mrakana Madaxweyne Xasan Sheekh uu caawa booqday Isbitaalka Difeer (Erdogan) oo la dhigay dhaawacyada Saraakiisha Imaaraadka ee maanta la weerarray, wuxuuna tacsi u diray dowladda Imaaraadka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Xoogga Dalka iyo Hay’adaha Amniga dalka oo ku saabsan weerarka ka dhacay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Saldhigga Jeneraal Gordon uu ka danbeeyay xubin ka tirsan dagaalyahanadooda ku dhex jira askarta dowladda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON