Sunday, December 3, 2023

Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Beeraha oo Deyntii ka cafiyey Somaliya

Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan Horumarinta Beeraha ee IFAD ayaa Deyntii uu ku lahaa Soomalaiya ka cafiyey, waxaana tallaabaaasi bogaadiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Deynta uu Sanduuqa IFAD ku lahaa Soomaaliya ayaa gaaeysay 30 Milyan oo Dollar. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta Deyntan oo muddo dheer socotay, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka kusoo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON