Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Turkiga Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ugu danbeyn la wareegay xilkii loo magacaabay ee safiirnimada dalka Turkiga, iyadoo si diiran xalay loogu soo dhaweeyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
Safiir Sanbaloolshe ayaa kulan la qaatay saraakiisha safaaradda Soomaalida, wuxuuna kala hadlay howsha cusub ee u bilaabaneysa iyo qaabka uu doonayo inay ku wada shaqeeyaan.

Haddaba Goobjooge.com waxay dib u eegeysaa sida loo magacaabay Danjirahan cusub ee C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiir u magacaabay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hore looga qaaday xilka taliyaha nabad sugidda Soomaaliyeed isagoo qeyb ka ahaa khilaafkii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed, iyadoo laga dhigay safiirka Soomaaliya u fadhin doona Turkiga.
Magacaabidda Sanbaloolshe loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhin doona dalka Turkiga ayaa ku dhacday si qarsoodi ah oo aanay golaha wasiirada soo jeedin, lana soo marsiin, Sidoo kale kuma jirin shan safiirka oo golaha wasiirada ansixiyeen. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si toos ah ugu magacaabay C/llaahi Sanbaloolshe safiirka Turkiga, waxaana la sheegay inuu ku dooday inuu Mudane Sanbaloolshe hore u ahaa safiir oo aanu u baahneyn in gole wasiiro soo jeediyaan.
Waxaa jiray heshiis hoose oo dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh & Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid kuna saabsan inay is weydaarsadaan laba safiir oo Soomaaliya muhiim u ahaa, Cumar C/rashiid ayaa keensaday safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, halka madaxweynaha uu watay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo Turkiga loo magacaabay.
Akhri: idee Sanbalooshe loogu magacabaay safiirka Soomaaliya ee Turkiga? (Danjire Mursal oo la sagootiyay+Dokument)
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]