Agaasimaha Hay’addda Sirdoonka Soomaaluyeed C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa guul amni ka raadiyay isbarbardhig uu ku sameeyay weerarradii Alshabab ee Muqdisho ka dhacay labadii Ramadaan ee ugu dambeysay.
Sanbaloolshe oo dejiyay qorshe xasilinta amniga Muqdisho ee socday bishii Ramadaan oo dhan, isla markaana 9 maalmood gudahood ay ku dhaceen saddex weerar oo is-miidaamin ah ayaa laga waayay warbaahinta toddobaadkii ugu danbeeyay ee bisha Ramadaan, wuxuuna dib usoo laabtay isagoo ku dooday in Ramadaankii dhamaaday ay ka hor tageen 90% qaraxyadii ka dhici jiray Caasimadda.
“Waxaa is barbar dhig ku sameyneynaa sanadkii hore 2016 qaraxyada iyo dilalka dhacay iyo kuwa bishii barakeysneyd ee hada dhamaatay dhacay, 3 qarax ayaa dhacay intii lagu guda jiray Bisha Ramadaan, kuwaasoo shacabka lala bartilmaameedsaday, 12 qof ayaa dilal qorsheysan lagu dilay, halka 28 qof ay qaraxyada ku dhinteen, marka la isku daro waa 40 dhimasho iyo dhaawaca 62 ruux”ayuu yiri Sanbaloolshe.
Is barbardhigga Sanbaloolshe ayaa ku koobnaa bisha Ramadaan ee hadda iyo sanadkii hore isagoo is moodsiiyay Ramadaankii sanadkii hore iyo Ramadaanka sanadkan, waxaan la ogyahay in ramadaankii sanadkii hore uu dhacay hal weerar weyn oo is qarxin ah oo lagu qaaday Hotelka Naasahablood 1, ayna ku dhinteen 10 ruux oo uu ka mid ahaa Wasiiru dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Burci Maxamed Xamza.
DHAGEYSO