Saturday, April 19, 2025

Sanbaloolshe oo si lama filaan ah u tegay shir ay lahaayeen Beelaha Muqdisho, Muxuuse ka yiri..?

C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa si lama filaan ah u tegay shir looga hadlayo Maqaamka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen beelaha Muqdisho ayaa ka socday mid ka mida hoteelada Muqdisho, waxaana halkaasi tegay Sanbaloolshe, isagoo sheegay  in cabashada ka taagan maqaamka Gobolka Banaadir uu gaarsiin doono Dowladda Dhexe.

Shirka ayuu sheegay inuusan ka marmayn mucaaradada Dowladda Soomaaliya, maadaama aanay ka qeyb gelin wasiirada beesha shireysa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.  Sanbaloolshe ayaa u sheegay dadkii shirka waday in  ka maqnaanshaha Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed, in ay ka turjumeyso sida shirkan loogu mucaaradsan yahay dowladda.

Ad

Wuxuu ugu baaqay beelaha inay arrinta Gobolka Banaadir uga dambeeyan Wasiirka Amniga iyo Duqa Magaalada Muqdisho, isagoona ballanqaaday in Madaxda Qaranka uu gaarsiin doono cabashadooda, lana maqli doono, sida uu yiri.

Taliyaha NISA, ayaa qiray haddiiba dadka Muqdisho ay ku kacaan dowladda inaanay hal habeen dowladdu joogi karin caasimadda, isla markaana aanay dowlad jiri doonin haddii reer Muqdisho ka horyimaadan.

Sanbaloolshe, ayaa soo hadalqaaday in Magaalada Muqdisho ay tahay mid ka wada dhaxeysa umadda Somaliyeed oo idil, sidaasi daraadeedna uu beelaha Muqdisho ugu baaqayo in si xasilooni ku jirto, ay ku raadiyan maqaamka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON