Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa qirtay inay khalad ahayd dhiibistii C/kariin Qalbi-dhagax.
“Arrintaas waxba ku dari maa, waxna ka dhimi maayo.. Sida Cabdi Xaashi u sheegay in wax la iga weydiiyey arrin Qalbi-dhagax waa run… been maaha, hadda anigu ma lihi kuma jiro waa la i qasbay… eeda aniga iska leexin maayo… ee in la iga cafiyo ayaan rabaa..” ayuu yiri C/llaahi Sanbaloolshe oo sidoo kale sheegay inuu ahaa shil.
Wuxuu ka dhaartay inuu mu’aamaro maleegay, isagoo ku adkeystay inuu aamisan yahay in sidii ugu fiicneyd uu u maamulay, wuxuuna ugu baaqay madaxda sare ee dowladda inay marti qaadaan Qalbi-dhagax iyo ONLF.
Wareysi uu siiyey Sanbaloolshe TV-ga Dalsan ayuu ku shaacisay arrintan oo imaaneysamarkii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi uu dhowaan wareysi kale ku sheegay in Sanbloolshe uu u sheegay War khaldan oo ah in Qalbi-dhagax doonayo in Itoobiya loo dhiibo.