Sunday, May 25, 2025

Sanbaloolshe oo Kashifay Ciddii lahayd Go’aanka dhiibista Qalbi-Dhagax & Arrimo xasaasi ah [Dhageyso]

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka hadlay sidii ay u dhacday xil ka qaadistiisa iyo kiiskii dhiibista Qalbi-dhagax ee muranka badan dhaliyay.

Sanbaloolshe ayaa dhinaca kale dowladda ku eedeeyay in lacag dhan Hal Milyan oo doolar ku bixisay si aan isaga loogu dooran kursiga Baarlamaanka, ayna jiraan dad ka hoos shaqeeya madaxweynaha oo kooxo diimeed ku xiran oo ka shaqeeyay in lagula dagaalamo inuu waayo kursiga.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbidhagax oo dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ku wareejisay ay ahayd go’aan ay qaateen madaxda ugu sareeya dalka.

Ad

Sanbaloolshe ayaa diiday inuu caddeeyo cidda sida rasmiga ah ee lahayd go’aanka lagu dhiibay Qalbidhagax, wuxuuna si weyn uga war-wareegay cidda sida rasmiga ah ee ka danbeysayin Itoobiya loo dhiibo, isagoo difaacay go’aanaasi, wuxuuna u muuqday inuu qeyb weyn ku lahaa dhiibistiisa ama uu isagu ka dambeeyay.

DHAGEYSO WAREYSIGA VOA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON