Sunday, May 25, 2025

Sanbaloolshe oo Jawaab kulul iyo Hanjabaad u diray Xildhibaan Mahad Salaad [DHAGEYSO]

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugiddda C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa jawaab kulul u diray xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka.

Isagoo ka hadlayay caawa shir jaraa’id oo ku saabsan iska hor imaadyo qasaare dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho maanta ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo si lama filaan ah ku dhacay.

“Waxaa arkayay dad dhahaya dalkaan Wareegto iyo war saxaafadeed laguma xukumi karo, hadaba mooshin maa lagu xukumayaa, iyo in maalin kasta Xukuumad la rido, dowlad is heysata horumar la gaari waayo, ma saas ayaa dalka lagu xukumayaa” ayuu yiri Sanbaloolshe oo si toos ah u soo qaatay hadallo uu qoray Xildhibaan Mahad.

Ad

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale jawaab kulul oo kale u diray isla xildhibaankan markii uu soo qaatay farriin uu maanta soo qoray isagoo yiri: “Dad Mas’uuliyiin ah waxaa jira oo xasaanad ku gambada, oo u heysta in xasaanada wax kasta ka dabooleyso, waxaa jira xoriyatul qowlka waxyaabo lagu ogoleyn oo ay ka mid tahay kicinta dadweynaha, qof mas’uul ayaa tahay maalin kasta boqol shey oo wanaag ayaa ka dhacay oo aadan ka hadleyn, wax yar oo hal maalin dhacana buun buuninaya, oo loo arko in afka cadawga ku hadlaan”.

Taliyaha NISA oo hore ay isugu dhaceen xukuumadii hore C/weli Sheekh markii uu xildhibaan xabsi dhigay ayaa u muuqda nin diyaar u ah inuu ka fal celiyo doodaha xildhibaanada iyo dhaliilaha ay u jeediyeen xukuumadda, taasoo xukuuamada Kheyre uga sii dari doonta.

DHAGEYSO TALIYE SANBALOOLSHE

- Advertisement -

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON