Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo maanta qaatay Shahaadada Xildhibaannimo iyo kaarka Aqoonsiga, ayaa farriin u diray Xildhibaannada aan weli qaadan Shahaadada iyo saraakiisha ciidamada ee aan ogeyn inay xil cusub qadeen.
Xildhibaan Sanbaloolshe oo hore u soo noqday agaasimaha NISA ayaa Saraakiisha NISA ee ka mid noqday Baarlamaanka, kula taliyey inay qaataan Shahaadada, gaar ahaan kutlada lagu sheegay NISA.
“NISA Taliyaheedii waa qaatay Shahaadada, waa Taliyeyaal badan tahay, Xildhibaannada dadkii ku dhaqmi lahaa oo dowlad ku hoggaamin lahaa dalka inaa badbaadisaan ayaa la idinkugu tala galay ee Askar amar qaadata inaa noqotaan la idinkuma tala galin” ayuu yiri Sanbaloolshe farriin toos ah u diray saraakiisha NISA ee xildhibaannada noqday.
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe in hannaanka doorashada iyo shanaado xbixinta uu taagero ka heysto Beesha Caalamka, ayna dhammaatay doorashadii la hortaagnaa.
Saraakiisha NISA ee ka mida noqday xildhibaanka 11-aad ayaa la sheegay inay taageersan yihiin Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo kursigii uu kusoo baxay khilaaf ka taagan yahay.