Friday, March 28, 2025

Sanbaloolshe: “Madaxweyne Farmaajo wuxuu ciidamada u kala saaray Keenna iyo Tuugada..”

Agaasimihii hore ee NISA C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa si weyn u dhaliiyey nidaamka Amniga ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ilo sida loo maamulo ciidamda Qaranka.

Sanbaloolshe oo ka hadalyay Shirka Aragti-wadaagga Heritage ee ka socda magaalada Garowe ayuu sheegay in markii uu xukunka yimid Madaxweyne Farmaajo uu ciidamada u kala saaray ciidamo tuuggo ah iyo kuwo iyaga ay leeyihiin.

“Farmaajo marka uu talada yimid wuxuu ciidamada u kala tagna, kuweenna (Team-keena) iyo Tuugada, waxay tuugada u yaqaanaan ciidamada Alshabaab ka xoreeyay Muqdisho ilaa Jalalqsi iyo Baraawe ee kasoo jeeda Sh/Dhexe, Hiiraan iyo Sh/Hoose. Ciidamada laga keeno Gedo, Buuhoodle iyo Caabudwaaq waxay u yaqaanaan ciidamo Qaran..” ayuu yiri C/llaahi Sanbaloolshe.

Ad

Wuxuu ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka inay siyaasadeysay ciidamada, ayna degaanada qaar ku duushay, isagoo si cad u sheegay inaysan jirin wax ka og ciidamada ay dowladda u dirty dalalka Qatar iso Eritrea.

“Todobaadkii lasoo dhaafay waxaan ognahay hub laga baxshay Madaxtooyada oo dad Shacab ah loo qeybiyay marqaatigeeda anagaa heynaa, Ciidamada Gedo la geeyay waxaa madax u ah nin la yiraahdo Kulane Jiis oo Madaxweynaha ilma adeer yihiin, Ciidanka Xooga Dalka marna ma hoostagaan, Ciidanka waala siyaasadeeyay waanala qabyaaladeeyay” ayuu yiri Sanbaloolshe

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON