Agaasimaha Hay’adda Nabadsuggida Soomaaliya [NISA] Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ku hanjabay in ganacsatada lacagaha siisa kooxda Alshabaab.
Isagoo ka mid ahaa madaxdii Xalay saxaafadda kula hadashay Muqdisho ayuu uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tallaabo adag ay ka qaadi doonto ganacsatadda taageerada lacageed Siisa Al-Shabaab.
“Maanta laga bilaabo ciddii dambe oo Al-Shabaab Lacag ugu geysa degaanka tooratoorow, alshabaab ayay la mid tahay, tallaabo ayaa laga qaadayaa, hantideedna waa lala wareegayaa..” ayuu yiri Sanbalooshe oo caan ku ah inuu hadallo culus soo saaro.
DHAGEYSO