Sunday, December 3, 2023

Saleebaan iyo Xawaadle inay keligood AlShabaab la dagaalamaan sax maaha (Qormo xildhibaan)

-

- Advertisement -

W/Q: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu

Ra’yi Xog Ogaalnimo

Hubka ugu badan Soomaaliya waxaa u yaallaa Muqdisho iyo duleedkeeda. Rag baa waxa ay ka hadlaan oo shaqsi ahaan u leh 50 -70 PKM ( Qoriga Dabajeexa loo yaqaan ee darandooriga u dhaca) iyo Baasuukayaal (RPG-7) tiradaa ka badan.

Kuwa ayaa marka dad laga xiro ama marka ay wax qoonsadaan tikniko soo kacsada.

- Advertisement -

Inta hubkaas Xamar dhex ceegaago amni lama xasilin karo, Shabaabna lagama adkaan karo.

Qabiillo gaar ah in kaligood ay Alshabaab la dagaalamaan waa huri waa ee sax maaha , sababtoo ah waa argagaxiso abaabulan oo arxan aan laheyn kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ka baada lacago xad dhaaf ah.

Saleebaan kaligii Galgaduud iyo Mudug in uu Shabaab kula dagaalamo dow maaha. Waa in ay iyaguna dagaalka ay ku biiraan Ceyr, Sacad, Duduble, Mareexaan, Dir, Mursade iyo Abgaal Waqooyi.

Hiiraan Xawaadle kaligii in Shabaab uu la dagaalamo sidoo kale sax maaha. Waa in qabaa’ilka kale ee Hiiraan sida Gugundhabe, Gaaljecel , Dir (Surre) , Ujeejeen, Reer Owxasan iyo Jareer Weyne ay dagaalka galaan oo reerkii culeys uu fuulo loo ciidamayaa.

Shabaab in uu Hiiraan lumiyo waa u baaba’ oo dalka ayay ugu kala gooshaan.

Dowladdu waa in ay hogaanka dagaalka qaadataa oo taageero ciidan iyo saanadba ay ku taageeraan dagaalka soconaya.

Waxii intaa ka soo hara waa sheeko baraleey.

- Advertisement -

Maxamed Ibraahim

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Duqeyn lagu dilay Alshabaab badan oo ka dhacday Degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Duqeyn ay la kaashatay Beesha Caalamka lagu dilay tobanaan ka tirsan Alshabaab, markii howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan.Warka...

Aqalka Sare oo War kasoo saaray is-hortaagii iyo Fowdadii ka dhacay Villa Hargeysa

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Qoraal uu soo saaray ku caddeeyay inuusan qeyb ka ahayn wixii maanta ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa...

Xildhibaannada Mucaaradka oo is hortaagay fadhigii Baarlamaanka & Fowdo lagu kala tegay

Buuq iyo fowdo ayaa hareeyay fashigii labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta la filayey in looga doodo Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.Xildhibaannada mucaaradka...

Golaha Amniga Q/Midoobay oo maanta Xayiraadii Hubka ka qaadaya Dowlada Somaliya

Wararka laga helayo Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in maanta kulan ay yeelanayaan Golaha Ammaanka u codeyn doonaan Qaadista xayiraadii...

Yuhuudda oo Dib u bilowday Duqeynta Marinka Gaza iyo Gantaallaha Xamaas oo gaaray..

Duqeyn iyo dagaallo culus ayaa dib uga bilowday Marinka Gaza ee Reer Falastiin, kadib markii ay dhammaatay xabbad joojintii socotay toddobaadka.Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa...

Dowladda Somaliya oo la wareegtay Markabkii Gargaarka ee Madaxweynaha Ruushka

Dowladda Soomaaliya Soomaaliya ayaa Ruushka kala wareegtay Markab Gargaar Qamadi ah loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Daadka iyo Roobabka.Shixnadda Qamadiga oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Taliye cusub u magacaabay Ciidamada Badda iyo xil ka qaadis..

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha Soomaaliya.Taliyaha cusub waxaa loo magacaabay Admiral...

XOGAHA QARSOON

Xasan Sheekh oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Saraakiisha Mareykanka Ee AFRICOM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iy Taliyaha ciidmaada...

Xog laga helay kulan Qarsoodi ah oo Turkiga ku dhex maray Sh. Shariif iyo Farmaajo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif...

Taliye Caan ahaa oo lagu la’ yahay Dagaalkii Cows-weyne iyo Xaaladii…

Ehelka Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay la' yihiin Taliye ciidamada ka mid ahaa ciidaadii ku sugnaa aagga...

Dowladda Somaliya Shirkad Shiinees ah u kordhisay Heshiis Kalluumeysi oo mugi ku jiray

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shatio Kalluumeysi u cusbooneysiisay shirkad dalka China ka socota oo hore dowladii hore ay u siisay shatiyo kalluumeysi oo...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you