Howlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa soo gebagebeeyay wejigii koowaad ee dhimista ciidamada, kadib markii ciidmaada dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay ilaa lix saldhig.
Saldhigyadan ayaa ku kala yaalla maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Jubbaland iyo K/Galbeed, waxaana ka mida hal saldhig oo ku yaalla Gobolka Banaadir, kaasoo ay ciidamada ATMIS ay shalay isag huleeleen.
Saldhigan ayaa ahaa Xerada Tababarka ee Al-jazeera 1 ee duleedka Muqdisho, waxaana xafladii wareejinta ka qeyb glaay Taliyaha qeybta ATMIS ee Uganda, Brig. Gen. Peter Omola, iyadoo uu kala wareeay Col. Axmed Maxamed Xasan oo ah La-taliyaha Taliyaha Ciidanka Difaaca XDS.
Gen. Omola ayaa shaagay inay koorsooyin tababara iyo la-talin siiyeen ciidamada Soomaalida sida: Furista Qaraxyada, Aaladaha Qarxa (IED), iyo tababaro kor loogu qaadayo awooda ciidamada.
“Waxaa sharaf noo ah markii ATMIS iyo kuwii ka horeeyey ee AMISOM ay qaadeen mas’uuliyadda amniga Sladhigyadaan, gaar ahaan Al-jazeera 1, oo ahayd saldhig tababar,” ayuu yiri Col. Axmed oo u mahadceliyay ciidmda Uganda.
Wareejinta saldhiyada ATMIS ayaa qeyb ka ah Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya oo lagu go’aamyay Qaraarradii Golaha Amniga ee 2628 iyo 2670 ee soo baxay snaadkii 2022.