Thursday, April 24, 2025

Salaadda Taraawiixda oo Qaab cusub sanadkan looga tukanayo Xaramka & Cidda loo ogol yahay.

Boqortoyada Sacuudiga soo rogtay qaab cusub oo sanadkan loo tukanayo Salaadda Taraawiixda, iyagoo gobollada dalkaas la fududeeyay Bandowgii adkaa ee saanaa.

Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis ayaa ogolaaday talo ka timid maamulka Labada xaram ee barakeysan (Masjidka Kacbada iyo Masjidka Nebiga NNKH), waxaana la go’aamiyey in salaadda taraawiixda lagu oogo labada masjid, iyadoo xayiraad saaran tahay dadka ku tukan kara labada masjid oo dad kooban loo ogol yahay.

Qaabka salaadda taraawiixda oo hore u ahayd 20 rakco ayaa isbedel lagu sameeyay iyadoo hadda la tukan doono 10 racko (خمس تسليمات). Waxaana arrimahan oo dhan loo soo rogay xaaladda uu dhaliyey cudurka Coronavirus oo Sacuduiga saameyn ku yeeshay.

Ad

Salaadaha labada masjid ee xaramka ayaa gebi ahaan laga joojiyey salaadaha Jimcaha iyo Jameecada iyadoo kaliya ay ku tukadaan dad aad u yar oo u badan madaxda iyo shaqaalaha xaramka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON