Friday, March 28, 2025

Safiirkii ugu horeeyay oo la kulmay Axmed Madoobe kadib Doorashadii muranka dhalisay & Waanwaan bilaabatay

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa noqday danjirihii ugu horeeyay ee Beesha Caalamka oo kulan la yeesha Axmed Maxamed Islaam oo dib u doorashadiisa muran weyn ka dhashay markii ay sharci darro ka dhigtay dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shaaciyey inuu safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya Ben Fender ku qaabiley hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isgoo sheegay inay kulanka uga wadahadleen xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo arrinta ay Dowladda Federaalka ahi ka wado qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahan yahay inay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaaliduna kuwada qanacsantahay, taas si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin, hor u socodka dalka iyo nidaamka dowladnimana laga dhex arki karo.

Ad

Safiirka Dowlada Ingiriiska ayuu kasoo xigtay inuu sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan Dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si horumar dhankasta uu dalku u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka uga dhacdo taas oo uu safiirku si gaar ah madaxweynaha uga codsadey inuu uga shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa arrintaas.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dowladda Somalia ku riixaya inay wadahadal la furto Axmed Madoobe, kadib go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo ugu baaqay dowladda Somalia in xal loo helo khilaafka Jubbaland, waxaana isla arrintan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre kala hadlay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON