Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horeeysay u dirtay dalka Eritrea, intii uu dalkaasi ka go’ay Itoobiya, kadib heshiis dhex maray labada dowladood.
Safiirka Soomaaliya ee Eritrea waxaa loo magacaabay Cumar Idiris, oo hore u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, wuxuuna waraaqihiisa u gudbiyay oo ka guddoomay Jimcihii madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris ku yiri Bartiisa X (Twitter).
Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa sheegay in Cumar Idris uu ka mid ahaa 17 danjire oo uu madaxweyne Afwerki ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Jimcihii lasoo dhaafay.
Xiririka Somaliya Eritrea ayaa heerar kala duwan soo maray, iyadoo hadda dalkaasi uu ciidamo kumannaan ah u tababaray dowlada Soomalaiya, kuwaasoo markii ugu horeysay ay ku jiraan Cidamada Badda iyo Cirka.