Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga Jaamac C/llaahi Caydiid ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii safiirnimo iska casilay, kadib markii uu ka mid noqay musharixiinta u taagan jagada Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay dood ka dhalatay inuu safiirku xilkan isku sharxay isagoo xilka haya, taasoo ugu danbeyn ku qasabay inuu ku dhawaaqo is-casilaadiisa.
Qoraal uu soo saaray Dajire Jaamac Ceydiid ayuu ku yiri: “Mar haddii aan u tartamayo xilka Madaxweyne kuxigeenka Puntland, waxaan iska casilay shaqadii danjiranimo ee aan Qaranka u hayey. Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, bahda Wasaaradda Arrimaha dibadda & diblomaasiyiintii 6.5 sanadood igala shaqaynayey Safaaradda Turkiga”.
Hore waxaa xilka Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka isaga casilay Wasiir Abshir Huruuse oo ka mida Musharixiinta xilka Madaxweynaha Puntland.