Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa u mahadceliyey madaxdii kala qeyb gashay xuska dhalashada 93-aad ee Boqorrada Ingiriiska Queen Elizabeth II oo lagu qabtay xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho.
Qoraal mahadcelin ah oo uu soo dhigay bartiisa tiwtter-ka ayuu safiirka UK ee Somalia ku sheegay inay sharaf u ahayd in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, Duqa Muqdisho, 8 Wasiir, 10 senator/xildhibaan iyo saaxiibo badan ay kaal qeyb galeen xuska dhalashada Boqoradda Ingiriiska, isla markaana ay u dabaal degaaan sida Somalia iyo UK isaga kaashanayaan arrimaha amniga iyo shaqo abuurka.
Madax badan oo ka tirsan xukuumadda iyo Baarlamaanka ayaa heysta dhalashada dalal ay ka mid tahay UK, taasoo keentay inay buux dhaafiyaan xafladaha noocan oo kale ah.



