Sunday, April 27, 2025

Safiirka Somaliya ee Q/Midoobay oo ka jawaabay Warkii Farmaajo. “Somaliya 2024 ay is sharxi kartaa..”

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Balle ayaa faahfahin ka bnixiyey Qaaraan lagu leeyahay Soomaaliya iyo musharaxnimada Golaha Amniga Q/Midoobay.

Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan bixin Qaaraan sanadeedka gaaraya 35,000$ laga soo bilaabo sanaskii 1989-kii ilaa 2017-kii, lacagta ku dhow 1.5 Milyan Dollar ay tahay kharashkii ku ururiyay mudadaasi oo ay doonayana in xal loo helo.

Isagoo ka jawaabayay su’aal ku sabasan suuragalnimada in Soomaaliya ay musharax u tahay ka mid nooqshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga ayaa Danjiraha caddeeyay inay taasi suuragal tahay marka la gaaro snadka 2024 oo doaorashada dhaceyso, shaqadana dalkii la doortana ay bilaabaneyso 2025.

Ad

Kenya ayaa xilligan ku fadhida kursiga dalalka Bariga Afrika, wuxuuna kursiga oo wareegto ah markaas kadib aadi doonaa Koonfurta Afrika, iyadoo markaas kadib 2024 kusoo laaban doona Bariga Afrika oo markaas oo Soomaaliya tartan u geli karto.

“Golaha amniga 3 xubnoood ayey Afrika ku leedahay. Annaga xubinta aan u tartami karno waa Koonfurta iyo Bariga Afrika, waxaa kursiga hadda fadhida Kenya, kan ku xiga waxaa imaanaya wadan ka socda Koonfurta Afrika. 2024 ayey dhaceysaa Doorashada, waxaana lasoo gelayaa 2025 iyo 2026. Rajadeena aad ayey u fiican tahay..” ayuu yiri Abuukar Baalle oo u warramay Univeral TV.

Jawaabta safiirka Q/Midoobay ayaa timid, kadib markii muran weyn ka dhashay hadal uu dhowaan jeediyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ahaa inay Soomaaliya u sharcan tahjay xubinnimada Golaha Amniga Q/Midoobay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON