Danjire Larry Andre oo bixiyay xog cusub oo ku saabsan Weerarkii Alshabaab ku qaaday Xarunta Xalane
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa ku baaqay in la dadejiyo Doorashada kuraasta ka harsan Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad, lana doorto guddoonka labada Aqalka.
Danjire Larry ayaa taageeray jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo loo asteeyay inay dhacdo 14-ka April 2022.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Xiliga la dhaarinayo Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare oo ah 14-ka April 2022, haddii xitaa la gaaro waqtiga dhaarinta waxaa doorashada lasii wadi karaa kaddib marka la dhaariyo Xildhibaannada sida dhacday 2016kii” ayuu ku dooday Danjire Larry Andre oo wareysi siiyey VOA.
Safiirka Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkii Alshabaab ku qaadeen garoonka Diyaaradaha Muqdisho dhowaan, isagoo dheegay inay yihiin koox u taagan dil iyo burburin oo aan kala soocin dadka.
“Waxaan ogahay in shaqsiyaad lagu dilay iridka Mariina Gate, markii dambena waxaa la soo tuuray Hoobiyeyaal ku dhacay meel u dhow safaaradeena, Xarunta Qaramada Midoobay qaar ayaa ku dhacay.. qaarkood waxay ku dhaceen Badda, markii hore waxay tooganayeen qofkii ay soo gaaraan..” ayuu yiri Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii Alshabaab ee 23-kii Maarso 2020 ku qaaday Garoonka.