Safiirka Dalka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Ahmed Mohamed Osman ayaa noqday diblomaasiga ugu dhaqdhaqaaqa badan, kadib markii ay Soomaaliya gashay xaalad doorasho.
Safiirka oo mar in muddo ah dalka maqnaa, isla markaana galay xaalad adag markii uu xumaaday xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xilligan ah kan ugu socodka badan diblomaasiyiinta shisheeye.
Wuxuu markii labaad la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka muddo toddobaad gudhiis ah, iyadoo labada kulan la sheegay inay ku saabsanaayeen hambalyada doorashada Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo soo gaarsinta farriin ka timid guddoomiyaha Golaha Qaranka Imaaraadka.
Mar kale wuxuu ka mid ahaa safiiro la kulmay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xarunta safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho tegay siyaasiyiin badan oo ay ka mid yihiin wasiirada Xukuumadda Ra’iisal wasaare Rooble.
Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn ugu dhowaa Imaaraadka ayaa la filayaa inuu dib u soo celiyo xiriirkii Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya oo heerkii ugu hooseeyay gaaray intii uu talada hayey Maxamed C/llaahi Farmaajo.