Monday, February 10, 2025

Safiirka Imaaraadka oo markii 3aad muddo 20 Maalmood ah la kulmay Xasan Sheekh

Safiirka dalka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mohamed Al-othamni ayaa maanta mar kale kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa ahaa kii saddexaad ee muddo ka yar saddex toddobaad uu safiirka Imaaraadka la yeesho Madaxweyne Xasan Sheekh intii la doortay 16-kii May 2022.

Qoraal ay baahisay safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in kulanka safiirka iyo madaxweynaha Soomaaliya looga wadahadlay xiriirka labad dal iyo sida loo xoojin karo, isla markaana uu Xasan Sheekh bogaadiyey sida Imaaraadka Carabka u garab istaagay shacabka Soomaaliyeed.

Ad

Xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya oo si weyn u xumaaday xilligii dowladii Farmaajo ayaa u muuqda inuu si degdega usoo hagaagay, waxaana kulamo iyo dardar weyn wada safiirka Imaaraadka u jooga Muqdisho.

Safiirka Imaaraadka ayaa Xasan Sheekh la kulmay maalin kadib markii la dooray 17-kii May 2022, kulankaas oo lagu sheegay inuu ahaa hambalyo. Kulankii xigtay wuxuu safiirka Imaaraadka Mohamed Al-cusmani la yeeshay Xasan Sheekh 26-kii May 2022, iyadoo kulankaasi la sheegay inuu ahaa mahadcelin madaxweynaha u diray Imaaraadka.

Kulanka Maanta 5 June 2022 ee dhex maray Safiirka Imaaraadka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo saameynta dowladda Imaaraadka ee dowladda cusub ay xoogeysatay, halka ay hoos u dhacday kaalintii dalka Qatar oo saaxiib la ahayd madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

- Advertisement -

Kulankii saddexaad 5 June 2022
Kulankii labaad 26 May 2022
Kulankii koowaad 17 May 2022
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON