Safiirka Denmark ee Somalia Steen Sonne Andersen ayaa soo saaray qoraal uu ku caddeeyay inay Dowladda Danmark ixtiraameyso Midnimada Dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya iyo inay Somaliland tahay Qeyb muhiim ah oo ka tirsan Soomaaliya.
Arrintan ayaa ka danbeysay kulan yeesheen Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo safiirka Denmark oo lagu edeeyay inuu Hargeysa ka sheegay hadal lid ku ah Qqaranimada Soomaaliya, isagoo Somaliland ku tilmaamay DAL.
“Shalay waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Fiqi, waxaan u caddeeyay hadalladii aan ka iri Doorashada Somaliland ee walaaca abuuray inaysan ahayn ku talo-gal. Denmark waxay sii wadeysaa inay ixtiraamto midnimada Dhuleed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto in Somaliland ay qeyb muhiim ah ka tahay” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Safiirka Denmark.
Dhinaca kale war kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Axmed Macalin Fiqi uu Xarunta Wasaaradda kula kulmay safiirka Denmark Steen Sonne Andersen, Safiirka Denmark u fadhiya dalka, ayna ka wadahadaleen sidii loo caddeyn lahaa hadalkii ka soo yeeray Safiirka xilli uu ku sugnaa magaalada Hargeysa.
Danjire Andersen waxa uu xaqiijiyey in Denmark ay ixtiraamayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxaanu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.