Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safirnimo ka guddoomay safiirka cusub
ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Faransiiska Danjire Cali Shariif Axmed, kaasoo xaruntiisa noqoneyso magaalada Paris.
Munaasabad kooban oo ka dhacday qasriga madaxtooyada Paris ee Élysée Palace ayaa danjire Cali Shariif Axmed waxaa uu Madaxweyne Hollande ugu gudbiyay warqadihiisa aqoonsiga iyo dhambaal uu ka siday madaxweyne Xasan Sheekh.
Safiirka Soomaaliya ee Faransiiska ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay qasriga madaxtooyada, iyadoo loo sameeyay hab maamuus la mid ah kuwa diblomaasiyada caalamiga ah.
Amb. Cali Shariif ayaa bishii Maarso ee sanadkan waxaa Safiirnimo u ansixiyay Golaha Wasiirada, waxaana kaddib Madaxweynaha uu u magacaabay inuu Safiir ka noqdo Faransiiska.