Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Qatar ayaa gaaray magaalada Doha, isagoo waraaqihiisa Aqoonsiga Danjirenimo laga guddoomay.
Wasiirkii Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Doodisho ayaa si rasmi ah maanta waraaqhiisa aqoonsiga u gubdiyay madaxda dalka Qatar, waxaana ka guddoomay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Qatar Sultan bin Saad Al Muraikhi.
Wasiirkii hore ee Amniga ee hadda noqday Safiirka ayaa dhowaan loogu hambalyeeyay magacaabidda Danjirenimo, iyadoo aanay si rasmi ah u soo bixin magacaabidiisa, waxaana sidoo kale jira safiiro kale oo uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida Safiirka cusub ee Kenya Jibriil ibraahim Cabdulle.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sanad iyo bar kadib bilaabay magacaabidda safiiradii ugu badnaa ee Soomaaliya ee bedelaya kuwii uu hore u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.