Safiirka cusub ee Soomaaliya ee loo magacaabay dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed ayaa maanta Waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Ethiopia Sahle-Work Zewde.Â
Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjire Cali Shariif Axmed u magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Itoobiya, waxaana safiirka lagu qaabilay xarunta Madaxtooyada Itoobiya ee magaalada Addis ababa.
Safiirka Somalia ee Itoobiya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Ethiopia Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ethiopia, isagoo wadahadal la yeeshay madaxweynaha Itoobiya haweeneyda Sahle-Work Zewde.Â